WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo wajahaysa Sadex caqabad oo ay ka gudbi ladahay-Akhriso

Muqdisho (HM)-Dowladda Soomaaliya ayaa la daaladhaceysa culeesaad kusoo kordhay labo sano kadib, waxaana culeesaadkaasi ay u baahan yihiin in xal waara laga gaaro ka hor doorashada 2021.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa ka cabsi qaba in doorashadii lagu balansanaa doorashadii Madaxweyne Farmaajo kadib aysan ka dhici karin dalka Soomaaliya, marka la eego howlaha badan ee Harsan iyo caqabado kusoo kordhay dowladda Soomaaliya.

1 – Amni darrada Muqdisho

Culeeska dhanka amaanka ayaa ah caqabada koowaad ee kusoo kordhay dowladda Soomaaliya, waxaana kala xiran magaalada Muqdisho oo Al Shabaab ay weeraro ka fuliyaan xiliga ay qorsheeyaan.

Magaalada Muqdisho waxaa kala xiran xaafadaha qaar, waxaana keenay xaaladihii dhanka amaanka ee sanadihii u dambeeyay soo kordhay, waxayna u baahan tahay in dowlada la timaado qorshe kale oo amaanka lagu xaqiijin karo.

2 – Gadoodka ciidamada

Culeeska kale ee labo sano kadib kusoo kordhay dowladda Soomaaliya ayaa ah gadoodka ciidamada xooga dalka, oo ka cabanaya Mushaar la’aan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay meel wanaagsan marsiinayaan ogaanshaha ciidamada xooga dalka iyo diiwaan gelintooda, taasi oo keentay in ciidamo badan ay gadood sameeyaan.

Waxay ciidamada gadooday kasoo baxeen saldhigyo badan oo ku yaala Shabeelaha Hoose iyo Shabeeaha Dhexe, waxaana taasi ay keentay in ciidamada Al Shabaab ay ku dhawaadaan deegaanadii ay baneeyeen ciidamada, iyadoo cabsida gadoodka ciidamada ka dhalatay laga dareemay magaalada Muqdisho.

3 – Dib usoo noolaanshaha Al-Shabaab

Caqabada seddexaad ayaa ah in dhamaan deegaanada ay baneeyeen ciidamada dowladda Kenya iyo meelaha qaar oo ay kasoo baxeen ciidamada dowladda inay dib u qabsadeen Al Shabaab, iyadoo la og yahay dhaqaalaha iyo waqtigii ku baxay deegaanadaasi xoreyntooda.

Arintaasi ayaa abuuri karta in Al Shabaab dib usoo noolaadaan, maadaama horey deegaano badan looga saaray ay hadda u muuqato inay si sahal ah dib ula wareegayaan.

Culeesaadkaasi ayaa u baahan in xal laga gaaro, maadaama labo sano kadib la doonayo in dalka doorashooyin ay ka dhacaan, walow rajada doorashada qof iyo codkii ay aad u yartahay.

Qataraha dhanka amaanka ayaa kusoo kordhay magaalada Muqdisho, iyadoo dhawaan Al Shabaab qaraxyo iyo dilal qorsheysan ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top