WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madasha Badbaado Qaran oo gudbisay Dacwad ka dhan ah Farmaajo

Golaha Madasha Bad-baado qaran oo ay ku mideysanyihiin madaxweynayaashii hore ee dalka, Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa qoraal xasaasi ah ka soo saaray kulanka maanta e golaha amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika.

Madasha Bad-baado qaran ayaa bayan dheer oo ay dirtay golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika shuruud ku hordhigtay ka hor kulanka maanta oo Khamis ah ay ku yeelanayaan magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

War-saxaafadeedka Madasha ayaa lagu cadeeyay in goluhu soo dhaweynayo wada-hadal Dibadeed hase’ahaate waxa ay dalbadeen in kulan kasta billow looga dhigo diidmada muddo kororsiga 2-Sano ah iyo ku laabashada heshiiskii 17-September.

Halkaan riix si aad u Daawato Muuqaalka Warbixinta.

SOMALI NEWS

To Top