WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dhaqtar siweyn looga yaqaanay Magaalada Muqdisho oo la dilay

Waxaa barqanimadii Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan lagu dilay Allaha u naxariistee Dr. Xasan Cusman Ciise oo ku magac dheeraa Dr. Buurane  oo ka mid ahaa Dhaqaatiirta sida weyn looga yaqaanno Magaalada Muqdisho.

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa DR-ka ku dilay xaafadda Al-baraka ee degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka Ceynu Shamsi, waxaana dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in raggii ka dambeeyay falkaas ay goobta ka baxsadeen.

Dr Buurane ayaa ka mid ahaa dhaqaatiirka ka howlgala Muqdisho kuwaada ugu caansan, waxaana lasoo sheegayaa in goobta uu dilku ka dhacay ay gaareen Ciidanka ammaanka Dowladda kuwaasi oo wada howlgal ay ku baadi goobayaan dableydii falka gaysatay.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Meydka Dr. Buurane .

SOMALI NEWS

To Top