WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Ciidamo hubeysan oo Howlgal qorsheysan ka fuliyay Sh/Hoose

Ciidamada Ammaanka Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay ka sameeyeen degaano hoostaga Magaalada howlgallo lagu xaqiijinayay dhanka Amniga, kaas oo ka dhan ahaa Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaminayay Guddoomiye ku-xigeenka Magaalada Marka ahna Taliyaha Nabadsugida degmadaas Maxamed Sheekh Xasan, waxaana laga sameeyay degaannada, Gaarilow, Farange iyo Shufeyri ee duleedka Marka.

Taliyaha Nabadsugida degmadaas Maxamed Sheekh Xasan ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii looga hortegi lahaa weerarada Al-Shabaab iyo dhibaatooyinka ay dadka ku hayaan.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Warbixinta.

SOMALI NEWS

To Top