WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo War kasoo saaray Go’aanka Midowga Afrika ee Muddo kordhinta..

Mareykanka ayaa taageeray cambaareyntii uu golaha nabada iyo amniga Midowga Afrika u jeediyey muddo kororsiga Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya

Qoraal kasoo baxay Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu soo dhoweeyay dhexdhexaadinta Midowga Afrika, iyadoo madaxda Soomaalida loogu baaqay inay heshiis deg-dega ka gaaraan Doorashada.

“Waxaan taageersannahay go’aankii Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika ee lagu cambaareeyay muddo kordhinta ay usbuucii hore ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya. Waan soo dhaweynaynaa dhexdhexaadinta Midowga Afrika” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Qeybta Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Mareykanka ayaa ku boorriyay madaxda Soomaaliya inay si degdeg ah iskugu raacaan wadahadal iyo qorshe lagu xallinayo xiisadda ka dhalatay doorashada iyo muddo kororsiga.

Beesha Caalamka ayaa horey siweyn uga soo horjeesatay muddo kordhinta ay Xildhibaanada Golaha Shacabka u sameeyeen Hay’addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

SOMALI NEWS

To Top