WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maamulka Somaliland oo sanado badan ku xukumay Naciima Abwaan Qorane oo kamid ahayd Gabadhaha Hal-abuurka ah-Video

Naciima Abwaan Axmed Qorane oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku xidhnay magaalada Hargeisa ayaa Saaka  waxaa lagu xukumay saddex sanno oo Xadhig.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maxamadda Gobolka Hargeysa ayaana xukuntay Naciima Qorane, oo lagu hayso  inay Booqatay Muqdisho iyo inay ku Riyootay Midnimada Soomaaliya, Iyadoona markaasi kadib Ciidamada Booliiska ay kusoo  eedeeyeen qaran dumisnimo iyo riyo ay ku baahisay barta ay ku leedahay Facebook.

Marka arintaasi laga yimaado waxaa Jira Xubno Siyaasiyiin, Isimo iyo Ganacsato isugu Jira Kuwaasi oo si joogta ah u Booqda Muqdisho, Balse aysan jirin cid xadhig u gaysata.

SOMALI NEWS

To Top