Naciima Abwaan Axmed Qorane oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku xidhnay magaalada Hargeisa ayaa Saaka waxaa lagu xukumay saddex sanno oo Xadhig.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Maxamadda Gobolka Hargeysa ayaana xukuntay Naciima Qorane, oo lagu hayso inay Booqatay Muqdisho iyo inay ku Riyootay Midnimada Soomaaliya, Iyadoona markaasi kadib Ciidamada Booliiska ay kusoo eedeeyeen qaran dumisnimo iyo riyo ay ku baahisay barta ay ku leedahay Facebook.
Marka arintaasi laga yimaado waxaa Jira Xubno Siyaasiyiin, Isimo iyo Ganacsato isugu Jira Kuwaasi oo si joogta ah u Booqda Muqdisho, Balse aysan jirin cid xadhig u gaysata.