WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maamulka Somaliland iyo urur gobaleedka IGAD oo ka wada hadlay Xiisadda Tukaraq,maxay isla meel dhigeen-Video+Warbixin

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ayaa kulan uu maalinimadii shalay magaalada Hargeysa kula kulmay Xoghaya Guud ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Amb; Maxamed Guyuu.

Qoraal ka soo baxay Aqalka madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen Arrimaha Amniga Mandiqada Geeska Africa gaar ahaan Xaaladda deegaanka Turkaraq oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa kale oo shirka diirada lagu saaray in IGAD ay taageero mashaariicda Horumarineed ee ka socda Somaliland gaar ahaan qorshaha labaad ee hirgelinta shanta sano ee soo socota.

Sidoo kale,madaxweynaha Somaliland iyo Wafdiga ka socda IGAD ayaa isla soo hadal qaaday wadada hadalada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland,iskuna afgartay in dardar geliyo.

SOMALI NEWS

To Top