WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Laascaanood Dhacdo naxdin iyo Murugo badan wiil dhalinyaro ah oo waashay markuu soo qabsaday Xayawaanka Diinka-Video

Wiil dhalinyaro ah oo ku noolaa magaalada Laascaanood ayaa soo Qabsaday   Xayawaanka Diinka , Kadib markii uu ku helay calaamadihii laga Rabay Diinka, Markii uu soo qaatay Diinkaasi  Wuxuu dareemay xanuun iyo Jahwareer dhanka Caafiaadka la soo darsay .

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Habeenkii Hadiiba uu seexday waxaa uu la soo toosay isaga oo ay qallashay Lug iyo gacan , Nabaro ay ka soo baxeen
Jidhkiisa , Xiskiisii ayaa is bedelay , Wiilkaii ayaa qaylo ku waashay Markii uu aabaha Wiilka uu ka war helay Xaalada Wiilkiisa ayaa waxaa uu Odaygu deg deg ugu yimid wuxuu Markiiba sameeyey inuu Diinka Xoriyadiisa dib ugu celiyo  oo uu ka saaro xayndaabkii .

Wiilkii xaaladii ayaa ku sii xumaatay , Xanuunkii ayaa ku batay , Aabaha inan ka ayaa Subaxnimadii hore ee Saaka
ku soo kallahay Maxkamada gobolka Sool , isaga oo ka raba Warqadda lagu gayn lahaa xarunta Isku daawaynta Quraanka iyo Sunnaha (Cilaaj ) ee magaalada Laascaanood .

Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Xasan Maxamed Warsame oo la hadlay Warbahainta ayaa sheegay in Wiilkaasi ay ku dhacday Cuqubo Rabbaani ah , Xayawaanka Diinkanina uu Alle ka celiyey Xilliyo hore cadaw badan oo ay ugu horreeyaan Shimbiro , maantana Allihi xiligaa bad baadiyey uu u joogo . Waxaana uu dhallinyarada uga digay Dhibaatadaasi mid ka daran ay kala kumlmi doonaan Xag Alle , iyo waliba ganaax Maxkamaeed .

SOMALI NEWS

To Top