WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Waxaa Saaka xidhan Gabi ahaanba Suuqii Ganacsiga ugu weynaa Somalia e Baraakaha iyo Ganacsatada oo Canshuurta…

Waxaa gabi ahaanba Saaka xiran ganacsiga Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, kadib markii shalay ganacsatada Suuqa ay ku hanjabeen inay xirayaan Suuqa, Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa diidan canshuur kordhinta ay ku sameysay dowladda Federalka Soomaliya.

Mid ka mid ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay wax shaqo ah suuqa inaysan saaka ka socon, sababo ku aadan ganacsatada oo aad u careysan.

Wararka ayaa sheegaya in ganacsatada Saaka isugu tageen dabaqa Waaheen ee ku yaallo agagaarka Maalin Taajir, halkaasi oo lagu wado inay Saxaafadda kula hadlaan.

Dowladda Somaliya ayaa ku soo rogtay agabka kala duwan ee laga soo dajiyo Dakadda Magaalada Muqdisho Canshuur badan, taasi oo saameyn ku yeelanaysa Ganacsatada Soomaaliyeed.

SOMALI NEWS

To Top