WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maamulka Jaamacadda Camuud oo jawaab dharbaaxo ah siiyey Faysal Cali Waraabe iyo Qabyaaladiisa-Video

Boorame (Horufadhi News )-Maamulka Jaamacadda Camuud ee Magaaladda Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal ayaa jawaab adag ka bixiyey  hadal dhawaan kasoo yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Soomaliland Faisal Cali waraabe ee uu bulshada reer Borame ku dhiirigelinayey in ay waxyeleeyaan Dadka Soomaaliyeed ee deggan ama wax ka barta Jamacadaha Gobalka Awadal oo ay Camuud kamid tahay.

Maamulku waxaa ay xuseen sida bulshadu ay isugu xidhantahay dhinacyada ganacsiga  & waxbarashadda aysana u baahnayn in lasiiyaasadeeyo,waxaa ay hadalka Faisal Cali Waraabe ku tilmameen mid aan ummada qaban” Arinta la doonayo in qabiil loo rogo,ganacsato badan baa jirta oo reer Soomaliland ah oo Puntland ka shaqaysata Dahabshiil baa ka mid ah Tuulo kasta Xafiis buu ku leeyahay,waxaa Jira dad reer Puntland oo xawaalado ku leh Hargaiza,waxaa Jira Hotelo waa weyn oo ay halka ka dhisteen sidaasi waa sida aynu rabno,ganacsiga & waxbarashada yaan la kala siyasadayn Dadku hakala xoogsadeen”.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maamulku waxaa ay siyasiyiinta Soomaliland usoo jeediyeen in aanay dhibtu halka ay joogto aanay kasii fogayn isla markaana ay ka fogadaan waxyalaha keenaya in Siyaasad la galiyo Tacliinta “Arinka Jamacadda Camuud waxaan leeyahay.adeer Jamacadu dee Minishibiyo ma ahan,Jaamacaddu waxay u furantahay cidkasta oo buuxisa shuruudaha Ardaynimo xataa gaaladda Soomalida iska daaye,waxaan leeyahay halaga waantoobo arintaa lama siyasadayn karo arrimaha Jamacadda Camuud”.

Jawaabtan Maamulka Jaamacadda Camuud uga timid Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa ay daba socotaa Kacdoon xooggan iyo cadho ka dhalatay hadalkii Faysal Cali Waraabe ee Qabyaaladda ahaa Bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed siiba dhalinyaradda Deegaanada Soomaliland ayaa arrintan wax lagu xumaado ku tilmaamay iyaga Baraha Bulshadana si xooggan ugu cambaareeyay.

 

SOMALI NEWS

To Top