WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Hargeysa Soomaliland oo joojisay aadaanka Salaadda iyo Cadho ka dhalatay-Warbixin

Hargeysa (Horufadhi News)-Maamulka  Somaliland ayaa awaamiir kasoo saaray Aadaanka Masaajidyada ee baaqa Salaada, iyadoo masaajidyada ku amartay in gabi ahaanba la joojiyo Aadaanka iyo salaada taraawiixda iyo taajudka loo isticmaalo cod baahiyaha iyo casharada tafsiirka ee ka baxa Masaajidada Magaalooyinka inta badan.

Masaajidyada ku yaal magaalooyinka waa weyn ee Soomaliland ayaa gabi ahaanba iska dhago tiray oo aan waxba ka soo qaadin awaamiirtii dhawaan wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaliland Shaacisay ee ku aaddanaa in aan la ogolayn in masaajidadu Makarafoonkooda dhinaca dibadda ay u adeegsadaan baahinta casharrada iyo Salaadda Tajahudka si loogu naxariisto Dadka xanuunsan, ubadka yar iyo Dadka waayeelka ah oo ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland sheegtay in Dadkaas ay dhib badan ku qabaan Aadaanka.

Shacabka magaalooyinka waa weyn ee Soomaliland gaar ahaan kuwa Hargeysa ayaa Habeen hore ku war helay saqdii dhexe ee  22-ka Ramadaan,  Masaajidada oo Sameecadaha dibada u isticmaalaya baahinta codka salaadda Tahajudka iyo waliba wacdi kala duwan oo Culimadu masaajidada ka akhriyayeen taas oo la macno ah in ay Culimadda Masaajidu amarka waxba kasoo qaadin isla markaana ka dhago adeygeen.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa ku doodaysa in cod baahiyaha masaajidyada ay waxyeelo weyn u gaysateen Dadka waa weyn, kuwa xanuusanaya iyo ubadka yaryar oo Hurdada ka salala Xiliyadda Habeenkii ee Bishan Ramadaan lagu guda jiro.

Amarkaan ayaa Culumada Soomaliland u arkaan mid lagu caburinaayo, Diinta Islaamka, waxaana ay ka doorbiideen inaysan dheg jalaq u siin awaamiirta Xukuumadda Somaliland ka soo baxay isla markaana ay iska sii wataa Howlahooda.

Horufadhi News.

SOMALI NEWS

To Top