WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Jiida hore ee Ciidamadda Puntland waxaa gaadhay Gurmad culus oo ka yimid Shacabka reer God’aalo iyo fariinta Muuse Biixi-Video

Dhinaca kale waxaa Labada dhinac soo gaadhaya Gurmado kala duwan oo loogu talagalay Ciidamada kala duwan ee Halkaasi la isugu keenay, Waxaana Masuuliyiinta Puntland ay maanta Warbaahinta usoo Bandhigeen Xoolo Nool oo ay sheegeen inay ugu deeqeen Ciidanka Bulshada ku dhaqan deegaanka Godaalo ee Gobolka Sool.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qoraal kasoo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si gaar ah looga hadlay dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland oo ka dhacay gobalka Sool (Tukaraq), waxaana loogu baaqay labada dhinac inay hirgeliyaan balanqaadkii ay u sameeyeen Beesha Caalamka ah oo ahayd inay fulinayaan xabad joojin deg deg ah.

Golaha ayaa sidoo kale ugu baaqay Puntland iyo Somaliland in labaduba ay ciidamadooda kala qaadaan, isla markaana joojiyaan hadalada xanaftaleh oo ay warbaahinta isu marinayaan si looga fogaado, una ogolaadaan in mucaawinada la gaarsiiyo dadka halkaasi ku dhaqan.

SOMALI NEWS

To Top