WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Laascaanood Gudoomiyaha G.Sool ee Mamulka Somaliland Cabdi Khayre oo ka hadlay Dagaalkii Gunburka-Cagaare iyo Puntland oo-Video

Gudoomiyaha Gobalka Sool ee Maamulka Somaliland Cabdikhayre Dirir oo ka hadlayey Howl gal ay fuliyeen Ciidamada maamulka Somaliland ee ku sugan Laascaanood kaas oo ay kusoo qabteen rag dhawaan ganacsade ku dilay Laascaanood ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay deegaanka Gunburka Cagaare waxaana uu dagaalkaas ku sheegay mid ay duulaankiisa dabadda ka riixayso Maamulka Puntland wuxuuna uu sheegay in Somaliland aysan u dul qaadan doonin xaalada ka soo cusboonaatay halkaas.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xaaladda Colaadeed ee dagaanka Gunburka Cagaaran ayaa u muuqata mid siyaasadeysan marka aad eegto Gacmaha faraha badan ee ku jira iyo Maamulada dhaamntood doonaya in ay colaadaas fara galiyaan,Puntland,Itoobiya iyo Somaliland oo oo hadda doonaysa in ay deegaankaas aadaba waxaa aan la ogayn sida ay nabad uga dhalin karaan xaaladda kacsan ee deegaanka madaama aysan dhamaantood isku qorshe iyo siyaasad ka ahayn deegaanka.

 

SOMALI NEWS

To Top