WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Maxakamad Galabta lasoo taagi lahaa Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dib loo dhigay-Akhriso

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in dib loo dhigay Maxkamadeyntii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ee lagu waday inay galabta dhacdo, kaddib markii shalay Guddoomiyaha Maxkamadda uu mudo 24-saac u qabtay Xeer Ilaalinta inay ku keento caddeymo eedeymaha lagu soo oogay.

Qareenka u doodaya C/raxmaan C/shakuur oo lagu magacaabo Avv. Tahliil Xaaji ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in lagu soo wargeliyay Maxkamaddii galabta ay dib u dhacday maalinta berri.

Wararka ayaa sheegaya in sababaha dib ugu dhacday ay tahay in warqadii amarka Maxkamadda ee lagu faray in muddo 24 saac lagu keeno caddeymo in loo geeyay Xeer Ilaalinta saaka 8-dii subaxnimo, sidaas darteed ay muddada waqtiga loo geeyay ay ka bilaabaneyso 24-ka saac, kuna egtahay maalinta berri 8-da subaxnimo

Kulamo siyaasadeed ayaa saacadihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayay arrinta xarigga, sidoo kale waxaa la sheegay in qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamul goboleedyada, sida Galmudug iyo Hirshabeelle ay ku booqdeen C/raxmaan C/shakuur Xabsiga.

Dhinaca kale waxaa suura geli waayay isku day damiin ah oo rag siyaasiyiin ah iyo Madaxweynaha Galmudug ay wadeen, hase ahaatee waxaa la sheegayaa inuu diiday siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

SOMALI NEWS

To Top