WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Laascaanood Badhasaabka Somaliland oo Beeniyey Banaanbixii maanta iyo Taliyaha Booliska oo sheegay tirada Dadka xidhan-Video

Laascaanood (Horufadhi News)- Badhasaabka Somaliland ee Laascaanood Cabdikhayre Dirir oo galabta warbaahinta kula hadlayey gudaha Magaalada Laascanood ee xarunta Gobalka Sool ayaa beeniyey isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay Banaanbixii maanta gilgilay Laascaanood.

Badhasaabka Gobalka Sool ee Maamulka Somaliland wuxuu sheegay in ay waxba kama jiraan tahay wararka ilaa shalay Warbaahinta iyo Baraha Bulshada la isla dhexmarayo ee sheegaya in xubno ka socda Qaramadda Midoobay kusoo wajahan yihiin Laascaanood si ay u qiimeeyaan Xaaladda Gobalka Sool.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa kale oo uu ka hadlay Badhasaabka Laascaanood in Maanta Laascaanood Banaanbax ka dhacay,waxaana uu sheegay in aysan jirin Haba yaratee wax Mudaharaad ah oo ka dhacay Laascaanood ,isaga oo intaas raacayey in 24 saac ee lasoo dhaafay xaaladda Gobalka Sool ay deggan tahay isla markaana wararkaas aysan waxba ka jirin.

Hadalkan Badhasaabka waxaa Burinaya hadalka Taliyaha Booliska Gobalka Sool oo warbaahinta uga waramay wixii dhacay,isaga oo sheegay in ay ilaa hadda Xabsiga ku hayaan 50 Qof oo Haween iyo Carruur u badan iyo 2 Wariye waa sida uu hadalka u dhigay kuwaas oo uu ku sheegay Fidn wadayaal iyo kuwo lasoo lug,gooyey.

HALKAN KA DAAWO TALIYAHA

Magaalada Laascaanood waxaa maanta ka dhacay Mudaharaad xoog leh kaas oo ay boqolaal shacabka reer Laascaanood ah iskugu soo baxeen Wadooyinka isla markana ay kaga soo hor jeedaan Maamulka Somaliland,intaas kadibna waxaa rasaas nool u adeegsaday Shacabka Ciidamadda Booliska Somaliland ,inta la ogyahayna waxaa ku dhaawacmay 8 ruux kuwaas oo la geeyay Cusbitaalka weyn ee Laascaanood,waxaana la sheegay in 4 kamid ah xaalkoodu aad u liito!.

 

SOMALI NEWS

To Top