WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soo galooti u dhashay Mali oo dhalashada Faransiiska lagu abaal mariyey kadib markii uu bad baadiyey Cunug yar-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Mamoudou Gassama oo ah 22 jir Soo galooti u dhashay dalka Mali ayaa lagu abaal mariyay dhalashada Faransiiska, kaddib markii uu si layaab leh u badbaadiyay canug yar oo ka soo laad-laaday dabaqa afaraad dhismo ku yaalla magaalada Paris.

Dhacdadan ayaa qabsatay Faransiiska iyo Adduunka waxaana ninkan u dhashay Mali loo aqoonsaday Halyey, qaabkii uu u badbaadiyay canuga yar ee balakoonka dabaqa afaraad ka soo dhici rabay, waxaana Warbaahinta Faransiiska ugu magac dareen (Spiderman).

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Mamoudou Gassama ku qaabilay qasriga Madaxtooyada ee Elysée Palace, isagoo guddoonsiiyay dhalashada Faransiiska iyo shahaado sharaf.

“Waxaad noqotay tusaale, maxaa yeelay mallaayiin ruux ayaa ku arkay, waa sax in qaranka uu kuu mahadnaqo”ayuu yiri Madaxweynaha Faransiiska.

Sidoo kale wiilkan dhalinyarada ah ayaa loo qoray inuu si mutadawacnimo uga mid noqday Adeegga dab damiska Faransiiska.

Gassama ayaa si sharci darro ugu noolaa dalka Faransiiska, waxaana uu ka shaqeynayay Shirkad dhismo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Duqa magaalada Paris ayaa boggaadisay geesinimada 22-jirka u dhashay dalka Mali, kaasoo noqday ninka ugu hadal heynta badnaa, waxaana muuqaal laga duubay xilligii uu badbaadinayay canuga yar daawatay mallaayiin ruux.

SOMALI NEWS

To Top