WARARKA SOOMAALI

XOG:-Xaglo-toosiye oo kusoo wajahan Garoowe kadib markii uu xaraashay Hanti wuxuu ku lahaa Somaliland-Akhriso

Hargeysa (Horufadhi News)-Warar lagu kasloon yahay ayaa Warbaahinta Horufadhi News u sheegay in Saleebaan Ciise Axmed “Xagla-toosiye” oo ka mid ahaa wasiiradii muuqday ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo uu gebi ahaanba xaraashay hantidii ma guurtada aheyd ee uu ku lahaa magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, sida labo Guri oo ugu yaalay xaafadda Masalaha iyo hanti kale oo uu Hargeysa ku tabcaday Mudadii uu Wasiirka ka ahaa Somaliland.

Sababta xaraashkaX hantida Xagla-toosiye ayaa la sheegay inay ka danbeysay inuu dib danbe ugu soo laaban doonin Hargeysa, kuna wajahan yahay dhinaca maamulka Puntland oo wada hadal hoose u socdeen sida la sheegay.

Saleebaan Xaglo-toosiye ayaa hadda ku sugan Dalka isu-taga Imaaraadka Carrabta, wuxuuna isu diyaarinayaa imaanshahiisa Puntland, iyadoo Gurigiii ugu danbeeyay ee uu ka iibsaday Ganacsade ina Af-diinle oo ka mid ah ganacsatada waa weyn ee Somaliland kana ganacsada Qaadka ama Jaadka..

Wararkan ayaa soo baxaya iyadoo hore warar hoose u xaqiijiyeen in Xagl-toosiye uu xil iyo mansaba ka waayey xukuumadda cusub ee Muuse Biixi Cabdi gadh-wadeenka ka yahay, taasoo ku dhalisay ka cadho ka qaado Somaliland oo markii horeba uu xil looga magacaabay ka hor inta uusan aqoonsan Maamulkaa.

Waxaa la og-yahay in Xagla-toosiye inuu ka mid ahaa murashaxiintii madaxweyne kuxigeenka ee maamul GobaleedkaPuntland ee sanadkii 2009-kii, markii uu ku hungoobayna uu u abaabulayJamhadii SSC mudo kadibna  uu faka ku shubtay isla markaana ku biiray ku biiray 2012-kii maamulka Somaliland.

Saleebaan  Xagla-toosiye ayaa waxa uu mudo dheer Hogaamiye u ahaa Jamhadii SSC ah oo dagaal kula jirtay Maamulka Somaliland waxaana uu bishii August 11, 2012 heshiis rasmi ah la galay Xukuumaddii hore ee Kulmiye ee uu hogaamiyey Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,iyadoo uu Siilaanyo u magacaabay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland taasi oo uu la dhamaystay muddo xileedkii Siilaanyo.

Xogtan waxaa sii xoojinaya isla markaana dhabaha usii xaadhaya khilaafka baahsan ee hadda ka dhex taagan Somaliland iyo Xaglo-toose.hada ka hor Xaglo-toosiye oo ku sugan imaaraadka isla markaana Wareysi siinayey Warbaahinta Somaliland ayaa sheegay in Tolkii Garoowe joogo cid kal diidaysa in uu tagana aysan jirin.

 

SOMALI NEWS

To Top