WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cabdixakiim Camey oo sheegay in uusan joogsan doonin Dagaalku, inta Somaliland Laascaanood haysato-Video

Laascaanod (Horufadhi News)-Madaxweyne ku xigeenka Puntland C.xakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar (Camey) oo Warbaahinta kula hadlay magaalad Garoowe ayaa sheegay in dagaalka uu socon doono inta Ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin Qaybo kamid ah dhulka Puntland, Sida uu hadalka u dhigay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Dagaalku wuu soconayaa inta maamulka nafla-caariga ah uu ku sugan yahay taako kamid ah dhulka Puntland, Hadii Caalamka oo dhan isku yimaado Puntland kama degi doonto Xaqiiqda”. ayuu yidhi Mr Camey oo maanta kula hadlayey Warbaahinta Garoowe.

Warkan ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa kusoo beegmaya xili Xaaladda Magaalada Laascaanood ay aad u kacsan tahay isla markaana shacabku Banaabax ay kaga soo hor jeedaan Somaliland wadaan.

SOMALI NEWS

To Top