WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Laascaanood xaaladda oo kacsan ,Ciidamadda Somaliland oo dhaawacay 8 ruux oo shacab ah-Video

Laascaanood (Horufadhi News)- Magaaladda Lascanood ee Xarunta Gobolka Sool waxaa maalintii labaad ka socda isu soo baxyo balaran oo ay soo qabanqaabiyeen qaybaha bulshada magaaladu.

Maanta waxaa fagaraha magaalada lagu qabtay mudaharaad weyn oo ay isugu yimadeen dadweynaha reer sool,waxaana ay ku muujiyeen sida ay uga soo horjedaan Maamulka Somaliland oo ay shegeen in uu degaanka kasameyey xarig iyo handadaad shakhsiyaadka muhiimka ah ee bulshada Magaaladda.

Qaar kamid ah Shacabka magaalada Laascaanood ayaa siwayn uga hadlay  Dhibaatada lagu hayo,  Waxayna sheegeen inaysan u dulqaadan doonin Cabudhinta lagu hayo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ciidamadda Somaliland ee kusugan gudaha Lascanod aya isku dayey in ay xakameyaan bananabaxyada wallow anay ku guulaysan,waxaan sadexdan maalmood socday xarig loo gaystay wariyayaal,ganacsato ,Haween,Dhalinyaro iyo shaksiyaad kale,kuwasoo la sheegay in ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedan joogitaanka Ciidanka Somaliland ee Gobolka Sool.

Mudaharaadka maanta sida ay goobjogayaal noo xaqiijiyeen waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 8 ruux kuwaas oo kamid ah dadka banaanbaxa dhigayey ,waxaana dhaawacoodu yimid markii ay ciidamadda Somaliland Rasaas la beegsadeen dadkii banaanbaxayey.

 

 

SOMALI NEWS

To Top