WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Kulankii Baarlamaanka oo baaqday kadib muran iyo dood ka dhashay ajandaha-Video

Muqdisho ( HM ) Guuddoonka baarlamaanka ayaa sheegay in kooram la’aan uu u baaqday kulanka Baarlamaanka ee maanta la filayey Inuu ka Furmo magaalada Muqdisho, kaasi oo ajandahiisa koowaad lagu sheegay inuu ahaa dhageysiga warbixin ay soo jeedin lahaayeen guddiga dib u eegista Dastuurka.

Xildhibaano katirsan golaha shacabka Soomaaliya oo saaka xaadiray xarunta golaha oo lagu balansanaa in uu ka furmo kulankii ugu horeeyay ee Kalfadhiga 5-aad ee golaha Shacabka ayaa xarunta ku dhax sameeyay buuq.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xildhibaanadan ayaa u badnaa kuwa ka cadhaysnaa in ajandaha kulanka laga dhigo dhageysiga warbixinta Guddiga Dib u eegista Dastuurka, waxa ayna Xildhibaanada doonayeen in ajandaha noqdo mid looga doodo xaalada Ammaan ee Caasimada.

Qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa gudaha xarunta la galay Warqado ay ku muujinayeen cabashadooda, waxa ayna xarunta kuso bandhigeen Warqado lagu oo qoray ”Golaha shacabka Waa wakiiladii iyo codkii shacabka la xasuuqayo”.

SOMALI NEWS

To Top