WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Barnaamij dhamaystiran dhaqaale uruurinta Kalkaal ee Cusbitaalada Widhwidh iyo Awrboogays-Video+Warbixin

Muqdisho ( HM ) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij gaar ah oo ku saabsan Munaasabad dhaqaale loogu ururinayey Cisbitaalo laga dhisay deegaanada Ar-boogays iyo Widhwidh oo ka tirsan Gobolada Sool iyo Cayn waxaana hirgeliyey Kal-kaal maternity Care oo ay aas-aaseen Gabdho Soomaaliyeed, Taasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Foosiya Xaaji DIRIR Gudoomiyaha [URURKA KALKAAL MATERNITY CARE ] oo ayaa Warbixisay Dhacdo Murugo leh oo ay kala kulantay Duleedka magaalada Laascaanood, Kadib markii ay aragtay Gabadh Dhalinyaro ah oo u Geeriyootay Daryeel la’aan Xiligii Foosha (Dhalmada) , Iyadoona uu Sayigeedii oo Jidka u istaagay ka codsaday inay Maydka la Aasaan.

“Alle ha u naxariistee Maryam 19-sano ayay Jirtay, 5-Casho ayay Foolanaysay, Waxaanu kula kulmay Duleedka Laascaanood, Waxaana Maskaxdayda wax badan kusoo Noqday dhibka, Rafaadka iyo Xanuunka ay soo martay ee ay u Geeriyootay, Iyo Inta Gabdhoood ee Soomaaliyeed ee lamid ah Maryam oo kale Iyagoo doonaya inay Qof Adduunka kusoo Kordhiyaan Geeriyooday, Waxaana Go’aan ku gaadhay Anigoo dul taagan Maydkeeda inaan wax ka Qabto dhibaatada ay u dhimatay” Ayay tidhi Foosiya Xaaji Dirir.

Waxaa Guul kusoo dhamaatay Ururintii dhaqaalaha loogu talo-galay qalabaynta iyo hawl-socodsiinta labadaa Cisbitaal ee la dhisay.

Munaasibadan ayaa waxaa sidoo kale kasoo Qayb galay Madax kala duwan oo ay kamid ahaayeen Marwada koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macalin, Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalle Cawad, Wasiiro iyo Xildhibaano labada aqal ah iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir eng. Abdirahman Yariisow iyo ganacsatadii, haweenkii iyo dhalinyaradii dhamaantood way mahadsan yihiin ajiibka iyo tabarucaadka Aakhiro iyo Adduunba ajar iyo xasanaadba aan ka helayno.

 

SOMALI NEWS

To Top