WARARKA SOOMAALI

Deg Deg-:Isbeddal lagu sameeyay Taliska Ciidamada Militariga Soomaaliya..

Muqdisho (HM)-Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in is bedel cusub lagu sameeyay Hoggaanka Taliska Ciidanka xoogga dalka, iyadoo la baabi’iyay xilkii Abaanduulka oo ka mid ahaa xilalka ugu waa weyn ee Taliska Ciidanka xoogga dalka oo lagu bixin jiray qaabka awood qeybsiga.

Sida wararku sheegayaan Abaanduulihii Ciidamada xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge ayaa loo bedelay xil kale, waxaana loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Lugta oo ahaa xil ku hoos jiray Abaanduulka Ciidamada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xilkii Abaanduulka loo bedelay qaab dhismeed maamul oo Sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Xijaar oo ka mid ahaa Saraakiishii hore, isla markaana dowladdii C/llaahi Yuusuf ka soo noqday xilka Taliye kuxigeenka Ciidamada.

Qaab dhismeedkan cusub ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay is bedelka iyo dib u habeynta Ciidamada xoogga dalka oo muddooyinkii u dambeeyay ku socday tirakoob iyo qorshayaal kale.

Is bedelkan cusub ee lagu sameeyay hoggaanka Ciidamada ayaa la ogeyn waxa uu soo kordhin doono, iyadoo qeybo ka mid ah Ciidamada ay ka cabanayaan mushaar la’aan iyo in aanan la siinan saanad iyo agabkii ay u baahnaayeen.

Jowhar.com

SOMALI NEWS

To Top