Guddoomiyihii Baarlamaanka ee Iscasilay Maxamed Cismaan Jawaari oo Madaxwaynaha Ay Shir Jaraa’id wada Qabteen ayaa sheegay inuu xilka ka degi doono maalinta berri, si uu amaanada dib ugu celiyo baarlamaanka, isagoo xusay in sababta uu hada u soo muuqday ay tahay inuu si rasmi ah u caddeeyo is casilaadiisa.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Waxaa uu sheegay in wixii kaloo dheeraad ah uu maalinta berri ka hor-jeedin doono Baarlamaanka, isagoo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed, kana raalli geliyay wixii jiray ee jahwareerka ahaa.