WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo Jawaari ku tilmaamay Geesi iyo Oday Soomaaliyeed,soona dhaweeyay is casilaadiisa-Video

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyad ayaa soo dhoweeyay is casilaadii Guddoomiye Jawaari iyo go’aankii uu qaatay, isagoo baaq iyo talooyin u jeediyay Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo oo shirka jaraa’id uu kula wehliyay Guddoomiyihii is casilay Mudane Jawaari ayaa sheegay in go’aanka uu qaatay uu ahaa mid taariikhi ah oo aan wax shuruud ah ku xirneyn.

“Waxaan u mahad celinayaa Guddoomiye Jawaari oo in ka badan 50 sano xilal kala duwna soo qabtay, waa oday Soomaaliyeed, waa khabiir dhanka sharciga in badan dowladnimada ka soo shaqeeyay, go’aanka uu qaatay waa mid taariikhi ah, wax shuruud ah oo ku xiran ma lahan”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxaa uu ka dalbaday inuu sii wado dadaalada dowladnimada iyo qabyo tirka dastuurka, isagoo xusay inay ka filayaan inuu sii wado talo bixintiisa iyo talo soo jeedintiisa intaba.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in laba jibaarto dadaalka ay ugu jirto howlaha sugida iyo horumarinta dhaqaalaha, sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Baarlamaanka inay dardar geliyaan hindise sharciyeedyada ay Xukuumadda u soo gubisay, kaasoo uu sheegay in ahmiyad weyn u leh dalka.

Inkastoo shirkiisa jaraa’id uu ahaa mid kooban, hadana ma jirin wax su’aalo ah oo Wariyeyaasha loo ogolaaday inay weydiiyaan, waxaana hadalka Madaxweynaha ku soo aadayaa, todobaadyo uu ku aamusnaa xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysay Baarlamaanka iyo Xukuumadda, taasoo la rumeysnaa inuu door ku lahaa, marar badan lagu eedeeyay inuu uusan dhex dhexaad ka aheyn.

Xiisada siyaasadeed ee saddexdii todobaad ee uu dalka ku jiraya yaa rasmi ahaan soo afjarmeysa, waxaana la geli doonaa marxalad cusub oo aan la qiyaasi karin, waxaana todobaadyada soo socda loolan adag loo geli doonaa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la filayo in 15 maalmood gudahood lagu soo doorto.

SOMALI NEWS

To Top