WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Jawaari oo ka hadlay sababta uu isaga Casilay Gudoomiyaha Baarlamaanka-Video

Gudoomiyaha aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si rasmi ah ugu xaqiijiyey laanta Af Soomaaliga ee BBC-da in uu go’aansaday in uu xilka iska casilo.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in go’aankan uu qaatay si uu burbur uga badbaadiyo Baarlamanka, Wuxuuna sheegay in kulanka arbacada ee baarlamaanka uu istaqaaladiisa ka hor gudbin doono.

Faahfaahin dheeraad ah kama uusan bixinin sababaha uu isu casilay, iyo talaabada xigta ee uu qaadi doono, noomana suurtogalin in aan wareysi faahfaahsan la yeelanayo guddoomiyaha marka laga tago xaqiijinta iscasilaadiisa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mar sii horeysay maanta, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Cabdiwali Muudeey ayaa baarlamaanka ka sheegay in uu is casilay Jawaari, sidaasi darteedna waxaa la joojiyay codkii kalsoonida ee loo qaadi lahaa guddoomiyaha.

Muddo 26 maaalmood ah ayaa waxaa dalka ka socday qalalaase siyaasadeed oo ka dhashay soojeedin ama mooshin ahaa in guddoomiye Jawaari codka kalsoonida lagala noqdo.

SOMALI NEWS

To Top