WARARKA SOOMAALI

Diyaarado duqeyn ka geystey deegaan ka tirsan Puntland iyo sida wax u dhaceen-Akhriso

Duqeyn ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa la sheegay in xalay saqdii dhexe lagu qaaday fariisimo ay ku leeyihiin ururka Daacish meel ku dhow degmada Qandala ee maamul goboleedka Puntland.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in duqeyntan ay ka dhacday tuulo lagu magacaabo Dhaadaar oo ka tirsan Qandala halkaa oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka daacada u ah Sheekh Cabdulqaadir Muumin.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta inay xalay saqdii dhexe maqleen dhowaaqa duqeyn circa ah oo lala beegsanayay deegaano ay ku sugnaayeen ururka Daacish.

Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin duqeyntan oo la sheegay inay fuliyeen diyaardo dagaal. Sidoo kale, ma cadda khasaaraha iyo shaqsiyaadka lala bar-tilmaameedsaday duqayntan.

SOMALI NEWS

To Top