WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Jabuuti oo jawaab kulul siisay Faysal Cali Waraabe kuna hanjabtay inay iska celinayso.

Hargeisa ( HM ) Wakiilka Jabuuti u fadhiya magaalada Hargeisa ayaa Jawaab kulul ka bixiyey Hadalo maalintii shalay kasoo yeedhay Faysal Cali Waraabe, oo Eedaymo u jeediyey Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

HALKAN KA DAAWO

“Waxaan ka jawaabayaa Hadalo Anshax xun, oo kasoo yeedhay Faysal Cali Waraabe, waxaan leeyahay Dawladda Jabuuti waxay wax ka dhexeeyaan Madaxwaynaha iyo Shacabka Somaliland”.

Anigoo ku hadlaya magaca Jabuuti Hadalka Foosha Xun ee Ninkaasi ku hadlay waxaan ka leenahay, Xisbi lama sheekaysano, Meel uu kasoo galo Sheekada Jabuut iyo Somaliland ma jirto”.

Waxaan leeyahay Fasal , Ismaaciil waa madaxwaynaha Soomaali meelkasta oo ay joogto, Uma Dulqaadan doono Aflagaada, waxaan jawaab ka sugaynaa Somaliland, Hadii aad Asluubtaada hagaajin waydo waan iska kaa Celin doonaa “. Ayuu yidhi Wakiilka Jabuuti ee Hargeisa.

SOMALI NEWS

To Top