WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Shirka Bahwadaagta Soomaaliya oo furmay xili ay qaadaceen maamulo-Video

 Muqdiso (HM)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Talaadada maanta ah Muqdisho ka furay Shirka Iskaashiga Calamiga ah ee Soomaaliya.

Madasha Bahwadaagta Soomaaliya oo tii afaraad ah ayaa waxaa ka qeybgalaya 50 dowladood oo ah kuwa caawiya dalka.

Balse waxaa nan wax metelaad ah ku lahayn maamuladda Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo kamid ah dowladaha xubinta ka ah federaalka dalka dhaca Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika.

Jubbaland oo uu khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo Villa Soomaaliya waxaa ka hor-istaagtay dowladda, halka Puntland-na ay shuruud kaga dhigtay ka qeybgalka in xayiraada laga qaado Kismaayo.

HALKAN KA DAAWO

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa waxaa la sheegayaa in dhankiisa ay diidey xaadiritaanka. Warar ayaa sheegaya in uu qaadici doono.

Maalinta koowaad ee kulanka ayaa warbixino looga dhageysanayaan Wasaaradaha xukuumada federaalka. Maalinta labaad, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa in ay kalmad jeedinayan.

Khadar, oo furitaanka hadlayay, ayaa tibaaxay in dowlada ay horumar dhinacyo kal duwan ah ay sameysay. Sheegasho ka duwan taas, waxaa aad u yar waxa ka hirgalay qorshaha Amniga Qaranka iyo Siyaasadda.

Qorsheyaasha ayaa kamid ah qodobadii kasoo baxay Shirkii Saddexaad ee Madashan, kaasi oo ka qabsoomay Belgium-ka, sanadkii hore.

James Swan, ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa ku nuux-nuuxsaday in ay waajib tahay in shirka 4aad uu kasoo baxo “qorshe waajibinaya in laga dhowr-sanaado fashil”.

“….Iyo sidda ay wanaagsan in la hirgeliyo qorsheyaasha hor-tabinta leh,” ayuu ku yiri khudbadii uu ka jeediyay furitaanka.

Shirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya oo sanadle ah ayaa waxaa ka qeybgalaya dhinacydda daneeya arrimaha waddanka, waana halka lagu jaan-gooyo halka uu dalka u jiheysanayo sanadka xigta.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top