WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Dowladda Federaalka oo dhirbaaxo Siyaasadeed kala kulmaysa maamulada diiday shirka.

Muqdisho (HM)-Iyadoo uu maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka caalamiga ah ee madasha wada-tashiga Soomaaliya ay ka qeyb galayaan in ka badan 50-dowladood oo daneeya arimaha Soomaaliya iyo Ururo kale ayaa hadana waxaa qaadacay qaar kamid ah maamul gobaleedyada Dalka ugu tudh tudha roon taasoo dadka arrimaha siyaasada falanqeeya ku tilmaameen dhirbaaxo ku dhacday Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Maamul gobaleedyada qaaday Shirkan waxaa ee aan ka ka qeyb galeyn waxaa kamid ah maamulada Puntland iyo Jubbaland, waxa ayna masuuliyiin u hadlay labadaasi maamul sheegeen in aysan ka qeyb galeyn ayna qaadacsan yihiin shirkaasi Muqdiso ka furmay.

HALKAN KA DAAWO

Wasiirka qorsheynta Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa cadeeyay in Puntland aysan ka qeyb galin shirka ka furmay Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in Puntland aan laga qeyb galin wadatashigii hor dhaca u ahaa shirkan sidaas daraadeed u qaadaceen shirkan furmay.

Waxa uu sheegay Wasiirka in shirkan kii ka horeeyay ee lagu qabtay dalka Biljamka aysan ka fulin waxyaabihii lagu balan qaaday, waxa uuna xusay in Puntland aysan dooneyn in markhaati been ah ka noqoto shirkaasi.

Shirkan maanta ka furmay magaalada Muqdisho waxaa sidoo kale qaadacay maamulka Jubbaland , waxaana Wasiirka Maaliyadda Jubbaland oo Warbaahinta la hadlay sheegay in aysan ka qeyb galeen shirkaasi.

Waxa uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Jubbaland C/rashiid Jirre Qalinle in casuumada loo soo diray aan loo soo marin wadadii saxda ahaa, waxa uuna intaa ku daray in shirarkii hore u dhacay aysan waxbo kasoo bixin sidaa darteed aysan ka qeyb galeyn shirkan.

Shirkan maanta ka furmay magaalada Muqdisho ay ka qeyb galayaan dowlado badan iyo Ururo caalami ah ayaa beri gabo gabadiisa la filayaa in laga soo saaro War Murtiyeed ay ku mideesan yihiin ka qeyb galayaasha.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa ay hore dadaal dheeraad ah ugu bixisay inay sidii ay shirkan usoo xaadiri lahaayeen inta badan maamul gobaleedyada dalka tasoo hadii ay dowladda u hirgali lahayd u ahaan lahayd guul siyaasadeed oo ay beesha caalamka iskaga gado madaama maamuladii intii badneyd ay shirka fadhiyaan, balse taas ma suurta galin shirkana waxaa ka qayb galay oo kaliya maamul gobaleedyada Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed, halka Jubaland, Puntland iyo Galmudug diideen shirkn inay kasoo qayb galaan.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top