WARARKA SOOMAALI

Daawo- Hadaanu nahay,M Garaad waa nalagu been abuurtay” Dhulbahante kala Goy-goyntiisa ma rabno wada hadalada KH & SL ha la Nasiib-sado-Video.

Ka dib markii maalmihii u danbeeyey kooxo ay ka wadeen Laascaanood arimo kala gur ah oo laga soo maleegay dhanka Hargaysa oo noqotay ujeedo badan, isla markaana xubno sheegay inay masalaan Maxamuud Garaad ay ku dhawaaqeen arimo laga yaabay, sida Dhul sheegasho iyo kala Irdheyn Dhulbahante ayaa waxa isa soo taraya diidmada waxgaradka Maxamuud Garaad ay arimahaas ku daadifeenayaan isla markaana iskaga bari yeelayaan, waxana xubno isugu yimid Laascaanood ay sheegeen inay soo dhaweynayaan hadalkii Siciid Cilmi Siraadlle ee ahaa in Dhulbahante midnimada wax ku yahay, cidna aysan isku bixi karin keli ahaansho, waxayna sheegeen in maamulka Khaatumo wada hadalka uu waddo bal waxii ka soo baxa lagu nasiibsaddo, lagana wardhawro.

HALKAN KA DAAWO…….

Waxay sheegeen in nimanka Hargaysa ka yimid ee qabyaalada wada iyo kuwa Laascaanood ololaha kala furfurka ah ka wada ay u quminayaan cadowga DHULBAHANTE ee doonaya in la sii kala burburiyo beelaha Dhulbahante.

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top