WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Gudoomiyihii hore ee Gobalka Benaadir oo xilka ku wareejiyey Gudoomiyaha cusub Yariisow-Video

Munaasabad ay xilka kula wareegayaan hogaanka cusub ee Maamulka Gobolka Benaadir oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo ku-xigeenadiisa ayaa xalay lagu qabtay  xarunta dowladda Hoose ee Xamar.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay ku-simaha Madaxweynaha dalka aha Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Sheekh Nuur Muudeey, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Mudane Maxamed Cabdi Waare, Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Shacabka iyo Aqalka sare, Wasiiro, safiiro, marti sharaf iyo xubno kale oo lagu casuumay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa Xilka hoggaanka cusub ee Maamulka Gobolka la wareegaya Guddoomiyaha Gobalka, Xoghayaha Gobolka Benaadir iyo dhamaan ku-xigeennada Guddoomiyaha cusub.

Cabdullaahi Xaaji Cilmi Ereg Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee arrimaha bulshada ee Gobolka Banaadir oo furay xafladda ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin inay wareejiyaan xilka Maamulka, ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan hogaanka cusub.

SOMALI NEWS

To Top