WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Gudoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya oo dhaliilo u jeediyay Madaxweyne Farmaajo.

Muqdisho ( HM) Guddoomiyaha Aqalka Saree ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu jebiyey dastuurka dalka,  Isagoo  tixraacayey Khudbaddii uu maaxweynuhu shalay ka jeediyey Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

 “Hadal jeedinta Madaxweynaha ee Golaha Shacabka wuxuu ku sheegay waajibaadka saaran kan ugu muhiimsan inuu yahay ilaalinta dastuurka dalka, Madaxweynuhu wuxuu si layaab leh ugu xadgudubay dastuurka dalka, hadaba hadaljeedintiisa waxaa ka soo qaatay dhowr weerood gaf ku ah sharciga.

1- Madaxweynaha wuxuu yiri Golaha Shacabka waa aas aaska nidaamka dowladnimadeena, dowladnimadeenu waa Golaha shacabka, halkaas waxaad ka arkeysaan in Madaxweynihii sharciga dhan inuu tuuray golaha shacabka ma ahan dowladnimadeena waa aqal ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya.

2- Madaxweynuhu wuxuu yiri Golaha shacabka hey’addaha ugu sareysa ee matalaada shacabka oo aad tihiin wakiilada shacabka ee soo doorteen oo halkan u fadhiya dowlad goboleeyada

3 Madaxweynaha wuxuu yiri wuxuu wakiil u yahay dowlad goboleedyada, wuxuu wakiil u ah shacabka Soomaaliyeed, go’aanadagaartaan waa mid dalka oo dhan laga aqbalo waana sida caalamka u shaqeeyo, madaxweynaha wuxuu yiri waxaa idin caddeynayaa inaan halkan golaha shacabka ku soo celin doono heshiis walba oo aan la gaaro Madaxda dowlad goboleedyada, si aad kaalintiina dastuurka uga qaadataan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Haddaba Madaxweynaha miyuusan ogeyn dalka uu Madaxweynaha ka yahay dal qaatay nidaamka federaalka oo ay tahay inuu yeesho labo Aqal oo Hal Baarlamaan, kuwaasoo ah aqalka sare iyo golaha shacabka”ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare.

“Madaxweynaha haddii uusan aqrin dastuurka dalka waxaa u soo jeedinayaa inuu aqriyo si uu u ogaado qodobada soo socda,

1- Qodobka 55aad dastuurka KMG ee qeexaya baarlamaanka federaalka inuu ka kooban yahay labo aqal golaha shacabka iyo aqalka sare

2- qodobka 61aad tirsigiisa 3aad iyo 71aad ee dastuurka kmg oo qeexaya aqalka sare uu matalo danaha dowlad goboleedyada iyo ilaalinta nidaamka federaalka

3- Qodobka 89aad ee dastuurka KMG oo qeexaya doorashada Madaxweynaha inay dooranayaan labada aqal ilowsha dhowinaaa inagu Soomaali

“aas aaska dowladnimada dalka waxay ka kooban tahay 3 hey’adood oo kala ah Hey’adda sharci dejinta oo ka kooban golaha aqalka sare iyo golaha shacabka, hey’adda fulinta hey’adda garsoorka, ma ahan dowladnimadeena golaha shacabka, dowladeenu waxay ka kooban saddexdaas hey’addood”

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo marka uu ka hadlayo arrimo Qaran ay tahay in Madaxweynuhu uu u jeediyo Labada Aqal oo aan aheyn kaliya Golaha Shacabka.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top