WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay ee Qaraxa Muqdisho & rag hubeysan oo ka dagalamaya Hotel ku yaala Xeebta Liido.

Muqdisho (HM)-Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxa kadib ay dabley hubeysan gudaha u galeen mid kamid ah hotelada ku yaal xeebta Liido kaasoo ah Hotel Elite.

Rasaas ayaa ka dhacaysa gudaha hotelka iyadoo dad badan oo rayid ahna ay ku sugnaayeen gudaha hotelka.

Weerarka oo ku bilowday gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay hotelka ayaa waxaa xigey dabley hubeysan oo weerar ku qaaday hotelka.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top