WARARKA SOOMAALI

Wasiir iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku geeriyooday Qaraxii Muqdisho.

Muqdisho (HM)-Waxaa isa soo taraya warar hordhac ah oo ku saabsan Khasaaraha ka dhashay weerar iskugu jira qarax iyo mid toos ah oo ka socda Hotelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Gaadhi qarax laga soo buuxiyey ayaa lagu dhuftay albaabka Hotelka, intaas kadib waxaa gudaha u galay dabley aan tiradooda la ogeyn oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasoo ka dhex dagaalamaya gudaha hotelka oo dadweyne badan iyo masuuliyiin ay ku jiraan.

Ugu yaraan shan qof ayaa illaa hadda la xaqiijiyey iney ku dhinteen, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana suuragal ah in khasaaraha nafeed uu intaas ka bato maadaama weerarku socdo weli.

Dadka ku dhintay weerarka ayaa waxaa ka mid ah Alle ha u naxariistee agaasimihii xiriirka gobollada ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdirisaaq Cabdi sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Wasaarada.

Wasiirka Warfaafinta XFS Maxamed Cabdi Xayir ayaa ka tacsiyadeeyay geerida agaasimhii xiriirka gobolada ee Wasaaradda & dadkii kale ee ku dhintay weerarkii ka dhacay Liido.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Galmudug Axmed Dhiblaawe ayaa dhaawac ka soo gaadhay sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Waxaa sidoo kale ka mid ah dadka dhaawacmay Sawir qaade Maxamed Cabdi Xuseen oo ka tirsan howl wadeennada TV-ga Qaranka ee ku hadla codka dowlada & Fanaanad Faiza Beela oo ka tirsan Kooxda Heegan ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Maxamed Ibrahim Macallimuu oo ah Xoghaya Guud ee Ururka Isku-taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka mid ah dadka ka soo badbaaday oo Gudaha Hotel ku jiray Xilliga Weerarka, waxaana la fadhiyey xilligaas Agaasimaha Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta oo halkaas ku dhintay

Rasaas xooggan ayaa weli laga maqlayaa gudaha iyo hareeraha Hotelka Elite oo ay ka dhex dagaalamayaan dableyda ka tirsan Al-shabaab. iyadoo ciidamada amaanka ay wadaan howlgal lagu soo afjarayo weerarka, laguna soo badbaadiyo dadweyne ku go’doonsan hotelka oo xaaladooda aan la ogeyn.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top