WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Guddi loo saaray Baarista dhacdadii Garoonka Aadan Cadde

Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Xasan Xundubey Jimcaale ayaa Guddi u magacaabay barista shaqaaqadii khamiistii lasoo dhaafay ka dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka amniga Xukuumadda ayaa lagu magagacaabay Guddigaan oo ka kooban 5-xubnood, kuwaasi oo baaritaano kala duwan ku sameeyn doona sida ay u dhacday shaqaaqada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Roooble ayaa maalmo kahor Wasaaradda amniga ku amray inay si deg deg ah wax uga qabato dhacdadii ka dhacday garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Halkaan riix si aad u Daawato Muuqaalka Warbixinta Guddiga.

SOMALI NEWS

To Top