WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Ciidamo ka gadoodsan muddo kororsiga DFS oo yimid Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa warar la xiriira Ciidamo ka tirsan Milatari ah oo diidan muddo kororsiga Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo gaaray duleedka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo wata gaadiid faro badan oo kuwa dagaalka ah ayaa isaga soo baxay saldhigyo ay ku sugnaayeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu kula kulmay saraakiisha ciidamadaa horkacaysa isagoo ka dalbaday inay dib ugu laabtaan furimaha dagaalka.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Warbixinta Ciidamada.

SOMALI NEWS

To Top