WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Guddi Doorasho oo Maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo

Guddoomiyaha Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Xubnahan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee kusii jeeda Jubbaland oo ka kooban 5 xubnood ayaa goobjoog ka noqon doona Doorashada Aqalka sare oo maalinta Khamiista ka dhici doonta Kismaayo.

Guddiga xalinta Khilaafaadka ayaa sidoo kale kulan la qaadan doona Guddiyada hirgelinta doorashooyinka heer Federaal iyo kuwa Jubbaland oo wada diyaar garoow ku aadan qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland ayaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka bilaabaya diiwaan-gelinta Musharaxiinta Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo Jubaland.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top