WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Diiwaan-gelinta Musharaxiinta Aqalka Sare oo bilaabaneysa

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ay ka bilaabato diiwangelinta musharixiinta u tartamaya Xildhibaannada Aqalka Sare qeybta ka imaaneysa degaannada Jubbaland.

Shalay Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu Guddiga doorashooyinka u soo gudbiyay liiska 9 Xubnood oo kamid ah Musharixiinta Aqalka sare, kuwaas oo Maanta diwiangelin lagu bilaabayo.

Guddiga doorashooyinka  Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shaaciyay in Maanta la diwaangelinayo Musharixiinta Aqalka Sare, sidoo kalena ay bixinayaan lacagta diiwangelinta.

Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in kama dambeys Maalinta Khamiista ah ee todobaadkaan oo taariikhdu ku beegan tahay 29/7/2021 ay Magaalada Kismaayo ka dhaceyso dooorashada Xildhibaannada Aqalka Sare.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top