WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-RW Rooble oo ka qeyb galaya Shir Maanta ka furmaya London

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska ayaa ka qeyb galaya Shir heer caalami ah oo Maanta ka furmaya Magaaladaas.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa sara u qaadista tayada Waxbarashada Carruurta, waxaana shir guddoomin doona Ra’iisul Wasaaraha dowladda Ingiriiska Boris Johnson iyo Madax kale.

Madaxda ka qeyb galeysa Shirka ka furmaya Magaalada London ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madax kale oo heer Caalami oo kusii jeeda London, kuwaasi oo shirka lagu casuumay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka ayaa waxaa uu kulan la qaadan doona Ra’iisul Wasaare Boris Johnson iyo Madax ka socota dalal kale, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan oo ku aadan Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top