WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Galmudug oo Ciidamo farabadan geeysay degaano iyo abaabul socda

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maamulka Galmudug uu saakay geeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Maamulkaas.

Ciidamadan oo wata gaadiidka nooca dagaalka ayaa la geeyay deegaanka Wisil oo hoostega Magaalada Hobyo ee Mudug, waxaana Ciidanka halkaas gaaray hoggaaminaya Saraakiil ka tirsan qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga.

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in dhawaan ay howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ka bilaabi doonaan deegaano ka tirsan Mudug oo ay ku sugan yihiin Shabaabka.

Halkaan ka daawo Muuqaalka Warbixinta.

SOMALI NEWS

To Top