WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Farmaajo oo doonaya in lala hadal siiyo Kooxda Al-shabaab-Video

Muqdisho (HM) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale ka hadlay dhibaatada dadka Soomaaliyeed kasoo gaarta weerarada Al Shabaab ka fuliyaan Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in loo baahan in heshiis laga helo Al Shabaab si loo badbaadiyo dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibaatooyin badan u geysatay Al Shabaab, islamarkaana dhankooda Al Shabaab ay dhibaato u geysteen Shacabka, taasina loo baahan yahay in laga gudbo.

Wuxuu su’aalo ka keenay ilaa waqtiga ay sii socon karaan dhibaatada dadka shacabka  loo geysanayo, maadaama labada dhinac ay dad Soomaaliyeed dhexdooda ku dhimanayaan.

“Al-shabaab waa in hishiis laga keenaa maxaa yeelay, iyaga wan laaynay, anagana wey na`laayeen, dad Soomaali unbaana dhimanaya, ilaa goormeen wadeyna isdilka, mucaaradkana shisheeye ayey nooga dacwoonayaan “ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu balan qaaday in muddo labo sano ah ku soo Afjari doono dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxaana labo sano kadib muuqataa in loo awood waayay Al Shabaab.
Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladdii Xasan Sheikh Xildhibaan C/risaaq Cumar ayaa horey u sheegay inay wadahadal la fureen Al Shabaab, islamarkaana ducement ku saabsan wadahadalkaasi ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top