WARARKA SOOMAALI

Shirkadda Imaaraadka ee DP World oo qorshe kale kaga dhawaaqday Magaalada Berbera-Akhriso

Hargeysa (HM) ―Shirkadda DP World ee gacanta ku haysa dekadda Magaalada Berbera ayaa ka hadashay qorshe ay rabto in Alaabooyinka laga soo dejiyo dekeda Berbera ay kusii gaadhsiin laheyd Bariga Afrika.

DP World ayaa sidoo kale sheegtay inay gabo-gabo ku dhowdahay daraasad ay ku wadey xarun ganacsi oo ay ku yeelan doonto magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, taasi oo dalalka Bariga Afrika loogu qeybin doono alaabta laga soo dejiyo dekada Berbera.

Suhayl Al-Banna oo ah madaxa shirkada DP World ee B/dhexe iyo Afrika, ayaa sheegay in saddexda bilood ee soo socda lasoo gabo-gabeyn doono qorshaha ay ku rabaan in magaalada Diridhaba u noqoto xarunta bariga Afrika looga qeybiyo alaabooyinka dekadda Berbera laga soo dejiyo.

Mr Suhayl ayaa sidoo sheegay in wax-badan laga qabtay dekadda Berbera intii ay gacanta ku haysay DP World, isagoona ka dhawaajiyey inay dekeda Berbera la doonayan inay noqoto xudunta G/Afrika wax laga soo dejiyo lagana dhoofiyo.

Waxa kale oo uu sheegay Mr Suhayl in shirkada DP World ay wado daraasad ku aadan sidii la iskugu xidhi lahaa xarumaha gudaha Itoobiya iyo dekadda Berbera oo badda cas ilaa yurub iyo bariga fog isku xidheysa.

Shirkada DP World ayaa u aragta haddii qorshahan uu hirgelo, mid wax-badan kusoo kordhin doono dekadda Berbera, kaasi oo saro u qaadi doona suuqa dekadda.

SOMALI NEWS

To Top