WARARKA SOOMAALI

Muuse Biixi oo Cali Khaliif iyo Axmed Ismaaciil Samater ka joojiyey inay tagaan Boorame

Boorame  ( HM ) Xukuumada Muuse Biixi ayaa gebi ahaanba xayiraad kusoo rogtay kulan ka dhici lahaa magaalada Boorame oo ay ku qaban lahaayen  Pro.f Axmed Ismaaciil Samatar iyo Prof. Cali Khaliif Galeydh, iyagoo dhowaan kulan ku qabtay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

Xayiraadan lagu soo rogey kulamada labadan Professor ayaa waxay kasoo baxday amarkeedu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Wuxuuna amray in waraaqo loo qaybiyo hotelada Borama, kuwaasi oo ay ku qoranyihiin in aan wax shir ah ama kulana lagu qaban Hotelada iyada oo aan fasax laga haysan Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Hargeysa fadhigeedu yahay.

Qaban-qaabiyayaasha kulanka labadan Professor, waxa gebi ahaanba loo diiday hotelada Borama inay ka kireeyaan kulankaasi, iyaga oo ku sababeeyay inay amar dul-dhigtay xukuumada Somaliland.

Guddida ku howlanaa qaban-qaabada kulankan ayaa sidoo kale  sheegay, haddii xukuumada Muuse Biixi ay ka hadli weydo sababta ay kulankaasi u hor istaagtay inay warbaahinta dhawaan wax-walba la wadaagi doonan.

Labadan Professor ayaa hore kulamo ugu soo qabtay qaar kamida gobolada Somaliland, iyagoo kaga hadla kulamadooda dimuquraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland.

SOMALI NEWS

To Top