WARARKA SOOMAALI

Daawo Fadeexad:Cusbitaalka Burco oo Dadkii Xanuunka Shuban Biyoodka usoo dhacay Daawadii loogu deeqay ka iibinaya-Video

Waxaa sii kordhay tirada dadka ee uu soo ritey cudurka shuban biyoodka, magaalada Burco, iyadoo lasoo sheegayo in hadda uu cudurkaan soo ritey dad hor leh oo markii hore caafimaad qabay.

Waxaa magaalada Burco ka soconaya dadaal xooggan oo lagu doonayo in lagu daweeyo dadkaan, sidoo kalena looga hortagi lahaa in dad kale oo hor leh uu ku dhaco.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Iyadoo Gurmadkaas uu socdo ayaa hadana qaar ka mid ah Ehelada dadka cudurkaan la jiifa isbitaalka Burco waxay sheegeen in masuuliyiinta Isbitaalka ay ka iibsanayaan shacabka Dawooyinka qofkii iibsan waayana uu u dhimanayo cudurka shuban biyoodka.

Sidoo kale dadkaan ayaa sheegay in daawada laga iibsanayo ay tahay mid deeq ah oo loogu tala galay masuuliyiinta isbitaalka inay shacabka ku badbaadiyaan.

 

SOMALI NEWS

To Top