WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda oo xirtay Xaruun dumarka loogu saameyo Qaliin halis ah

Dowladda Soomaaliya ayaa Albaabada isugu laabtay xarunta dadka jirkooda lagu qurxiyo oo dhawaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan wadada maka Al-mukarama laga furay.

Tallaabada lagu xiray xaruntaan ayaa ka dambeysay kaddib markii ay sameysay qalliimo dadka jirkooda wax looga beddelayay, sida dumarka oo farruuryaha loo durayay iyo qeybaha kale ee jirkooda.

Shaqooyinka ay xaruntaan qaban jirtay ayaa lagu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda shareecada islaamka, dhaqanka suuban, isla markaana ay halis caafimaad keeni karaan qalliimada ay sameynayaan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Agaasimaha arimaha bulshada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, ayaa sheegtay dowladdu in aysan raalli ka ahayn in dumarka Soomaaliyeed lagu sameeyo qalliino aysan ogayn natiijadooda waxay noqon karto.

SOMALI NEWS

To Top