WARARKA SOOMAALI

Digniin culus oo loo diray Ciidamo ku soo wajahan gudaha Soomaaliya

Taliyaha Ciiddanka Difaaca Uganda General Wilson Mbasu Mbadi ayaa waxaa uu sheegay inuu diganayo Ciidamo tiradooda dhan tahay 1,848 Aakari oo loo soo daabulayo Somalia, si ay ugu biiraan Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee AMISOM.

Taliyaha Ciiddanka Difaaca Uganda ayaa waxaa uu Ciidanka kula dardaarmay inay feejignaan dheeraad ah muujiyeen marka ay Somalia tagaan. “Waan idinkaga digay, Cuntada iyo Hubkiina ha ka iibinin dadka Soomaalida, iska jira idinka ayey dib idinkugu soo weerari doonaan” ayuu yiri General Wilson Mbasi Mbadi.

Munaasabadda Tababarka loogu soo xirayey Ciiddankaasi ayaa lagu qabtay Xarunta Hawlgallada Taageerada Nabadda ee Singo Peace Support Operation Center.

Dhinaca kale, Ciidanka Uganda ee Somalia loo soo dirayo waxaa Taliye u ah Kolonel Ibrahim Byarunhange. Ciidankaasi oo sumadoodu tahay Kooxda BG 33-aad waxay bedeli doonaan Ciiddanka Uganda ee BG 30-aad oo iyagu dhamaystay Hawlgal muddo Hal sano ah oo ay qeyb kaga ahaayeen Ciiddanka AMISOM.

Uganda waa dalkii u horeeyey ee Ciidamo Nabad-ilaalin ah u soo diray Somalia bishii March ee sanadkii 2007-dii.

SOMALI NEWS

To Top