WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo ku dhawaaqay guluf ka dhan ah…

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa shir Guddoomiyey shirka amniga ee ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka.

Shirkan oo ay ka so qayb galeen qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida, Booliska, Nabadsugida iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa diirada lagu saray sugida Amniga Galmudug iyo Howlgalo rogaal celin ah oo lagu qaado Al-shabaab.

“Ciidamada Qalabka sida ee Somalia iyo kuwa Galmudug waxay maalmahan soo socda qaadi doonan guluf kaas oo ay Galmudug uga si fayn doonan Alshabaab “ ayu yiri Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Madaxweynaha ayaa sido kale u mahadceliyay Madaxweynaha Puntland Siciid Dani oo xili loo bahna garab istaagtay Galmudug, waxana u intaasi ku daray in Galmudug iyo Puntland iska kaashan doonan la dagaalanka Al Shabaab.

Ugu danbeyn Madaxweyne kuxigeenka ayaa u mahaceliyay Shacabka Gobolka Mudug sida ay isku garab istaagen Ciidamada Qalabka sida sido kale waxa uu ugu baqay Shacabka Gobolka Galgaduud iyo Guud ahaan Galmudug in Ciidamada la garab is taago.

SOMALI NEWS

To Top