WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda oo shaacisay inuu Shirka Doorashasa furmay farriina u dirtay…

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta wajiga koobaad ee shirka looga hadlayo arimaha doorashada uu ka furmay Teenadhada Afisiyooni.

Waxa uu sheegay Wasiirka in wajiga koobaad ee shirka oo ahaa mid horu dhac ah oo la isugu soo dhawaanayay uu maanta furmay balse ay ka maqnaayeen madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa ugu baaqy maamulada Puntland iyo Jubbaland in ay kasoo qeyb galaan beri wajiga labaad ee shirka looga hadlayo arimaha doorashada iyo hirgalinta heshiisyadii hore.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Wasiir Dubbe.

SOMALI NEWS

To Top