WARARKA SOOMAALI

Qaramada Midoobay oo War kasoo saartay Shirkii ka dhacay Afisiyooni

Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay wadahadaladii shalay ka dhacay Teendhada Afisiyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo sheegtay inay ka war hayso sida uu u dhacay shirkaas.

War Saxaafadeed kooban oo xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM ee Muqdisho ay soo saartay ayaa lagu sheegay in ay ka warhayso kulankaas ee ahaa mid hordhac ah.

“Qaramada Midoobay waxay ka war haysaa kulanka maanta ee horudhaca u ahaa Shirka la qorsheeyay inuu Muqdisho ku qabsoomo oo qayb ahaan ay goob joog u ahaayeen Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka;”

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu baaqay in la sii wado kulamadan gaar gaarka ah, six al looga gaaro khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.

“Waxay Qaramada Midoobay ku baaqaysaa kulamo aan rasmi ahayn oo dheeraad ah, si loo xaqiijiyo kasoo qaybgalkii loo baahnaa oo ah mid dhamaystiran, si is afagarad looga gaaro fulinta qaabka doorasho ee 17-kii September.”

Kulan ka dhacay Teendhada Afisyoone oo lagu waday inay ka soo qeybgalaan dhammaan madaxda maamul goboleedyada ayaa waxaa ka baaqsaday Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, hase yeeshee waxaa kulan ku yeeshay Madaxda dowlada federalka, Madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koofurgalbeed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

SOMALI NEWS

To Top